Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd qof shacab ahaa waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka qofka shacabka ahaa,waxayna ka baxsadeen goobta.
Dhanka kale kooxo hubeysnaa ayaa Bambadda gacanta laga tuuro waxa ay ku weerareen Ciidamo Ka tirsan kuwa Booliska Dowladda federaalka Soomaliya oo ku sugnaa Xaafadda Nation-ka Degmadda Warta-nbadda ee Gobolka Banaadir.
Dad ku sugnaa halkaas ayaa idaacadda Simba u sheegay in Ciidamadda Booliska oo rondo sameynayay ay kooxo hubeysnaa ay ku tureen Bambadda,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

