Maamulka Jubba-land ayaa shuruudu adag kusoo rogay musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Jubba-land u taagan.
Kadib kulan ay yeesheen Golaha Amniga Maamulka Jubba-land ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo la xiriira doorashadda Madaxweynaha Maamulkaas.
Golaha Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saarey qodobo laamaha amniga ee Jubbaland lagu farayo sugidda Amaanka.
Sidoo kalena Musharaxiinta looga digayo in ay abuuraan waxkasta oo khalkhal amni horseedi kara.
Jubbaland ayaa cadeysey in Musharax kasta Amnigiisa ay sugayaan ciidamada amaanka Jubbaland lana ogolaan doonin in musharaxiintu ilaalo gaar ah sameystaan.


