War DEG DEG:-Wiil Dhalinyaro ahaa oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaadda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda NBC Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wiilka La dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ala ha U Naxariistee Xasan Cusmaan,wuxuuna la shaqeyn jirey Hay’add la yiraahdo Wardi Relief Organization oo ah Hay’adda Samafal.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay Xubno ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan waxaana inta badan sheegta Xarakadda Al-shabaab.

Amniga magaaladda Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe faraha ka baxay,kadib markii dagaalyahanadda Xarakadda Shabaab ay kordhiyeen dilalka qorshaysan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here