Al-Shabaab oo Xukun Zino ah Ku Fuliyay Maryam Muxidiyiin Maxamed

0

Maxkamadda Al-shabaab ee Jubooyinka ayaa Xukun xaddu zino ah ku fulisay Gabar la sheegay In iyadoo guur soo marin nin u taktay (La galmootay).

Xukunka aya ka dhacay Fagaare ku yaala Degmada Kabsuuma ee Gobolka Jubadda Hoose,waxaana kaso qeyb galay mas’uuliiyiin ka Tirsan Shabab iyo boqolaal dadweyne.

Gabadha falka Zinada ah ku kacday oo lagu magacaabo Maryam Muxidiyiin Maxamed ayaa fagaaraha degmada Kamsuuma lagula dhuftay illaa 100 Jeydal.

Qaadiga Maxkamadda Shabaab oo goobta fagaaraha ah ka akhriyay xukunka ayaa sheegay in uu ahaa qiraal.

Shabaab ayaa Xukuno kala duwan ka fuliya deegaanadda ay maamulaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here