Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku kulmaya Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethopia.
Raisulwasaaraha dalka Ethopia Abiy Axmed ayaa la sheegay in casuumaad uu u fidiyay labadda Mas’uul islamarkaana ay halkaas isku arki doonaan.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay oo arbaco ah u duuli doona Magaaladda Addis Ababa,halka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo xalay gaaray Magaaladda DJ Jabuuti ee Caasiamdda dalka Jabuuti uu isna gaari doono Magaaladda Addis Ababa.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga ajendayaasha looga hadli doono kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.
Hadii kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi uu dhaco waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee Madaxda dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaland ay yeeshaan tan iyo sanadkii 2015kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadalada labada dhinac.
10-kii bishii February 2018-kii, Maamulka Gooni isutaaga ee Somali-land ayaa sheegtay in Dalka Turky-ga laga wareejiyay doorkii dhexdhaxaadnimo ee wada-hadalka Somaliya iyo Somali-land.
Wasiirkii arrimaha dibadda Somali-land ee Xiligaas Dr: Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wada-hadalladii laga wareejiyay Turkiga doorkii dhex-dhexaadnimo ee ay ku lahayd islamarkaana loo wareejiyay dawladda Switzerland ee qaaradda Yurub.
Dr Sacad ayaa xiligaas sheegay in dawladda Turkigu aanay dhex ka ahayn wada-hadallada oo ay u xaglinaysay ama taageersanayd dhanka Soomaaliya oo xiriir wanaagsan ay la leedahay.
Wada halada Somaliland iyo Somaliya oo bilaabmey sanadkii 2012-kii oo aheyd markii madaxweyne Siilanyo talada hayey muddo laba sanadood ah , ma jiraan wax macno leh oo ka soo baxay marka laba reebo shirar labada wafti dhex maray iyo heshiisyo la saxiixo oo u muuqda mid miiska wada hadalka lagaga tago.
Maamulka Somaliland ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii Aqoonsi uu kaga heli lahaaa Caalamka,wuxuuna dhowr jeer uu hore Dowladda Ingiriiska kala hadlay in loo aqoonsado Dowladd ka madax Banaan Soomaaliya.

