Shirkadda Spectrum oo ah Shirkadda sameysay sahanka Shidaal baarista Soomaaliya, ayaa war kasoo saartay sahankii ay sameysay iyo cabashada Kenya ee ku aadan in dhul ay leedahay sahan shidaal laga sameeyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Spectrum ayaa lagu soo bandhigay goobaha sahalka Laga sameeyay,waxaana meesha laga saaray in shirkii Magaaladda London lagu xaraashay Xirmooyin ka mid ah Shidaalka Somaliya.


