Al-Shaabab oo Dilay Sarkaal Cabdi Abuukar Cali (Waa kaa hayaa)

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay halkaas ku dileen Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo hubeysnaa ayaa dilay Sarkaalka oo ku sugnaa Xaafadda damaley ee gudaha Degmadda Afgooye.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Abuukar Cali oo ku Magac dheeraa “Waa kaa hayaa”.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu ahaa Gudoomiyaha guddiga Xaquul insaanka Degmadda Afgooye.,balse uu si hoose ula shaqeyn jiray Asluubta.

Kooxihii ka damabeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo ku guuldareystay qabashadda ragii hubeysnaa.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Dilka Cabdi Abuukar Cali oo ku Magac dheeraa “Waa kaa hayaa”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here