Dowladda Kenya oo Shuruudo Bahdilaad ah Hordhigtay Dowladda Soomaaliya.

0

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa soo bandhigay shuruuda ay soo bandhigtay Kenya kadib khilaafkii soo kala dhexgalay Labadda Dowladood.

Shuruudaha ay Kenya soo bandhigtay ayaa u muuqda kuwa aan u cuntamaynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Akhriso Shuruudaha Dowladda Kenya

  1. Xukuumadda Nairobi waxa ay ka dooneysaa dhigeeda Muqdisho in khariiradda dhulka lagu muransan yahay laga saaro shirkii dhaqaalaha ee Britain, iyadoo Kenya ay sheeganeyso in qeybo kamid ah dhulkaas ay iyagu leeyihiin.
  2. Kenya waxa ay mas’uuliyiinta ugu sareysa ka dalbaneysaa in soo bandhigaan shirkadihii ay gaaska ka iibiyeen intii uu socday shirkii London.
  3. Dowladda Kenya waxa ay dooneysaa in muranka badda ay labada waddan ka wada hadlaan islamarkaana ay dacwada badda laga soo qaado maxkamadda ICJ.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay go’aanka Dowladda kenya ayaa sheegtay in Shirkii Magaaladda London aan lagu soo bandhigin goobaha labadda Dowladood ay ku muransan yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here