Al-Shabaab oo Madaafiic Ku Weeraray Saldhigga Ciidamadda Mareykanka

0

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic ahaa ku qaaday Subaxnimadii hore ee saakay Saldhigga Ciidamadda Mareykanka ay ku leeyihiin Deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shabaab waxa ay sheegeen in dhowr Hoobiye Saldhiga lala beegsaday,gudahana u galeyn islamarkaana Khasaare la gaarsiiyay Ciidamadda Mareykanka.

War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in dhowr madfac lagu weeraray Balidoogle oo ay  ka haadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee xasuuqa ku haya shacabka ku dhaqan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya,sida Shabaab ay sheegeen.

Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda lagu weeraray Saldhiga Ciidamadda Mareykanka ee Balidoogele.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka oo loogu hadlaayo duqeyntaan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here