Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe,
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Shabeelaha dhexe, madax dowlada soomaliya ka Tirsan, iyo Ergooyinka kala matala Maamulada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe, oo jowhar ku sugan,
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa la Faliyaa in uu daah Furo shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo maanta Lagu balansan yahay,
Dhanka kale Safarka Jowhar kadib Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud ayaa gaari doona Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose si uu u Furo shirka doorashada lagu go’aamin doono,

