Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Gubta waxaa shalay galinkii dambe ka dhacday dhacdo xanuun badan oo ilaa haatan dadka hadal hayaan.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Xaafadda nin ku hubeysnaa Tooreey (Mindi), ayaa gowracay Gabar dhalneed labo bilood oo lagu magacaabi jirey Idman C/laahi,wuxuuna falkaan ka dhacay Xaafadda Garaashta halka loo yaqaano.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ninka hubeysnaa uu gabadha guriga ugu galay,isalmarkaana uu gowracay,goobtana uu ka baxsaday kadib.
Hooyadda dhashay Gabdha oo xiligaas hoyga ku sugneed ayaa miir dhoonsantay,kadib markii ay araktay Gabadheeda oo la gowracay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta ka dambeysay arintaan balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka falka geystay iyo Haweeneyda uu xiriir hore ka dhaxeeyay.
Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa meydka gabadha u qaaday Xarunta CID si baaris loogu sameeyo.

