Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari ayaa ku waramaya in goordhaweyd Magaaladaas lagu dilay Masuulkii Shirkadda DP-World ee Magaaladda Bosaaso u joogay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal Nin hubeysnaa ayaa dilay Mas’uulka xili uu joogay agagaarka Dekadda.
Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa,wuxuuna ahaa Madaxii Mashaarciida Dekadda.

