Howgalo Baaritaano oo Saakay ka Socda degmada Afgooye

0

Howlgalo baaritaano ah ayaa saakay ka socda Gudaha degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose kadib markii gudaha degmadaas qarax miino lagu eegtay Ganacsade caan ka ahaa Soomaliya,

Ciidamo aad u fara badan ayaa saakay Lagu arkayaa Gudaha degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose kuwaasi oo baaritaano ka sameynaya xaafadaha degmada afgooye si gacanta loogu soo dhigo ragii ka dambeeyay dilkii lagu qaarijiyay Ganacsade Abuukar Xaaji Hiraabe oo shalay Lagu dilay degmada afgooye.

Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamanka soomaliya ee kasoo jeeda Gobolka shabeelaha Hoose ayaa dowlada Soomaliya ka codsaday soo qaban-qabashada ragii ka dambeeyay dilka Ganacsade Abuukar Xaaji Hiraabe oo degmada afgooye lagu dilay,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here