Ajaaniib Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Duhurnimadii maanta ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanka Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa la kacay Gaari kuwa laba shirreyda loo yaqaanno ah oo ay la socdeen Shaqaale Soomaali iyo Ajaaniib ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaa ku dhaawacmay 4 qof- oo kala ah Labo Injineer oo Ajannabi ah,Injineer Soomaali ah iyo Askari ilaalo u ahaa oo saarnaa gaariga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here