Hey’adda qiimeysa heerka musuq maasuqa ka jiro waddamada caalamka Transparency International ayaa soo saartay warbixin sanadeedkeeda ay uga hadasho heerka uu marayo musuqa ka jiro wadamada caalamka sanadkii tagay ee 2018-kii.
Hey’addu waxa ay sanadkaan qiimeyn ku sameysay 180 dowladood si ay baaritaano ugu sameyso heerka musuqa dalalka caalamka.
Waddamo ay kamid yihiin Republic of Congo, Iraq, Afghanistan, Syria, South Sudan, Yemen, Libya, iyo Somalia ayaa noqday waddamada ugu musuqa badan caalamka islamarkaana helay dhibco aad u yar oo la xiriira qiimeynta.
Sanadihii lasoo dhaafay waddamadaan waxaa ka jiray rabshado iyo dagaalo looga soo hor jeedo xukuumadaha ka arimiyo waddamadaas.
Somalia ayaa gashay booska ugu dambeeya ee qiimeynta iyadoo heshay kaliya 10 dhibcood, waxa ayna wajaheysaa dagaalo socda in ka badan 10 sano oo u dhaxeeya dowladda Somalia iyo dhaqdhaqaaqa Al Shabaab.
Dalalka syria iyo South Sudan ayaa helay min 13 dhibcood, halka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye ay heshay 14 dhibcood.
Dhibcahan hoose ee ay heleen dalalkaan ay kamid tahay Somalia ayaa waxa ay muujinayaan in Laaluushka iyo boobka hantida dadweynaha uu qeyb ka yahay nolosha maalinlaha ah ee dalalkaan.
Sida uu qabo Bankiga adduunka heerka musuq maasuqa oo sare u kaca waxa ay ku hogaamin dal walbo xasilooni darro.
Hey’adda qiimeyntaan sameysay ee Transparency International ayaa u aragta dhibaatooyinka ka jira dalalkaan ay kamid ka tahay Somalia inuu qeyb ka yahay musuqa dhibaatooyinka iyo dagaalada ka jira.
Dhanka kale dalalka Denmark, Finland, Sweden iyo Norway oo lagu daray New Zealand, Singapore iyo Switzerland ayaa ah waddamada galay meelaha ugu sareeya ee la dagaalanka musuqa waxa ayna heleen dhibco u dhaxeeyo 84 dhibcood ilaa iyo 88 dhibcood.

