Al-shabaab oo Weerar Qorshaysnaa ku Dilay Ciidamo Burundeys ahaa

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo Xarakaddda Al-shabaab oo xalay ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo dhaca duleedka degmadda Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Hir-shabeelle,dagaalka ayaa yimid kadib markii jid loo galay ciidamo ka Tirsan Kuwa Burundi oo deegaankaas marayay.

Labada dhinac ayaa waxaa dhexmaray dagaal saacado socday kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in ay dileen 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Burundi,kuwa kalana ay dhaawaceen.

“Sedax katirsan ciidamada Burundi ayaa ku dhintay qarax ay Shabaab kula beegsadeen deegaanka Buurane ee Shabeelaha dhexe” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo loogu hadlaayo arintaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here