Akhriso:-Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo Maanta La Caleemasaarayo

0

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa maanta lagu caleema-saarayaa Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas Saciid C/laahi Dani.

Xafladda Caleema-saarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe,Madaxweynayaal hore, madaxda Mucaaradka, Siyaasiyiin xilal hore kaga soo qabtay dowladahii dalka soo maray, Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda dalka ka jira, iyo Siyaasiyiin hore.

Sidoo kale waxaa caleema-saarka ka qeyb galaya Xubnaha beesha caalamka sida UK , EU , IGAD iyo Midawga Africa oo qaadacay tegista caleema saarkii MW Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland ayaa ah midka maanta ishaha lagu hayo,madaama ay magaaladda martigalisay  Madaxda Dowladda iyo Madaxda Mucaaradka.

Amaanka Magaaladda Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Amaniga sugaya Ciidamadda kala duwan ee Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here