Askar Iyo Haween oo Caawa Lagu Dilay Afgooye!

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in suuqa degmadaas galabta lagu dilay seddex askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo 3 Haween oo Suuqa ku Ganacsanayay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay 3-da askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya waxaana durbabadiiba aqoonsaday qaar kamid ah haweenkii suuqa ku Ganacsanayay.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in haweenkii aqoonsaday ragga dilka geystay isla goobta lagu dilay,sidaasna ay ku baxsadeen raggii hubeysnaa.

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa haatan waddo baaritaano,waana fal noociisa ku cusub yahay Degmadda Afgooye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here