Dowladda Soomaaliya oo Beenisay in Hubkeeda Lagu Weeraray Kenya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay war ku saabsan in qoryihii lagu weereray Hoteella Dusitd2 ay lahaayeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

La-taliyaha Dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in aysan jirin hub ay leedahay Dowladda oo lagu weeraray Kenya.

Waxa uu sheegay in shabaab ay meelo badan joogaan,islamarkaana ay helaan hubka.

“Sida aan ognahay Kenya xiriir ayaa naga dhaxeeya, waxayna noo cadeeyeen Hay’addahooda amniga qoryahaasi Sarkaalkaasi wuxuu sheegay inaysan sax aheyn, qofka wareysiga bixiyay wuxuu leeyahay, waxay u muuqataa marka waa iska mala awaal, dadka weerarkaasi gaystayna waa dad u dhashay dalkaasi, hubka waa iska heli karaan wadankooda ka heli karaan, Shabaab meel kasta ayeey joogaan.” ayuu yiri La-taliyaha.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa dhawaan shaaciyay in Saddex ka mid ah hubkii ay wateen raggii weeraray Hotelka Dusit D2 Ee Nairobi ay lahaayeeb ciidamadda Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here