Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war hayso Ganacsato Soomaaliyeed oo Al-shabaab dhaqaale siiya.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda la socoto Ganacsatadaas.
Waxa uu sheegay in sababta Ganacsatada ay shabaab lacagaha u siiyaan ay tahay cabsi ay qabaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay ganacsatada oo kaliya inaysan dhib ku haynin Al-shabaab, balse lacago ay ka qaadaan beelaha Somaaliyeed, Beeraleyda iyo cid kasta oo dhaqaale haysata.

