Laba nin oo hubeysan islamarkaana doonayey inay dib ugu laabtaan Kenya kadib safar ay ku tageen Somalia ayey police Kenya ku xireen County-ga Garissa.
Labada nin ee la xiray oo Soomaali ah ayaa magacyadooda lagu sheegay Aden Hassan Mohammed oo 22 jir ah iyo Ibrahim Ali Guyo oo 19 jir ah, waxaana xarigooda fududeeyey darawal kaxeynayey gaari Taxi ah oo ay soo kireysteen.
Ciidamadda ammaanka Kenya ayaa magaca Darawalkan qariyey sababo la xiriiro amnigiisa ayaa sheegay in raggaan uu kasoo qaaday goob lagu magacaabo Hoosingo oo ka tirsan Somalia.
Labada nin ee somalida ah islamarkaana la xiray ayaa shirkadda ay gaariga kasoo kireysteen u sheegay inay doonayaan in la geeyo Hamey oo ka tirsan dhulka Somalida.
Markii la gaaray Hamey ayey bedeleen rabitaankooda waxa ayna sheegeen inay doonayaan in la geeyo xerada qaxootiga Hagadera oo ku taallo gudaha dalka Kenya.
Darawalka kaxeeynayey gaariga Taxi ga ah ee labadan ku safrayeen ayuu shaki weyn soo galay kadib markii ay ragan dalbadeen inuu ka fogaado waddooyinka waaweyn oo uu maro waddooyin aan la isticmaalin oo qarda jeex ah.
Intaas kadib darawalku waxa uu raadiyey xarun ay ku sugan yihiin Police waxa uuna ku wareejiyey ragan oo watay hub isagu jira bistoolad iyo rasaas aad u fara badan.
Waxaa sidoo kale ragan hubeysan ay wateen oo ay Police ku ka haleen budo cad oo aan la garaneyn ujeeddada ay ka lahaayeen balse baaris dheerad ah ku sameynayaan ciidamada Kenya.
Saraakiisha sar sare ee Kenya ayaa wado baaritaano ku aadan shaqsiyaadkii ka lugta lahaa weerarkii lala beegsaday dhismaha Dusit Hotel oo ku yaallo magaalada Nairobi oo ku nafwaayeen 21 ruux, waxaana raggaan lagu sameyn baaritaano adag oo lagu ogaanayo inay ku lug lahaayen weerarkaas iyo inkale.

