Ciidamadda Ethiopia ayaa isku diyaarinayo weerar weyn oo ka dhan ah Xarakadda Al-Shabab kadib weeraro lala beegsaday kolonyo ciidamo Ethiopian ah iyo hoteel ku yaallo magaalada Nairobi.
Ciidamada difaaca qaranka Ethiopia ayaa xaqiijiyey in weerar dhaba gal ah ay kala kulmeen dagaalyahanada Al Shabab balse waxa ay beeniyeen in weerarka lagu dilay askar kamid ahaa ciidamadooda.
Kolonyada ciidamada Ethiopian-ka ah ee weeraraka dhaba galka ah lala beegsaday ayaa kasoo baxay Burhakaba waxa ayna kusii jeedeen magaalada Baidoa.
Ciidamada Ethiopia Faahfaahino dheeri ah kama aysan bixin weerarkaas iyo qasaaraha kasoo gaaray markii uu weerarku dhacay.
Ciidamada Ethiopia ayaa qeyb ka ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia ee midowga Africa magacoodana loo soo gaabiyo Amisom.
Al Shabab wali weerar weyn kama aysan fulin gudaha Ethiopia balse bishii October waxa ay sheegteen inay dalka Somalia ku dileen 30 askari oo kamid ah ciidamada Ethiopia.
Al Shabab weerarkii ugu dambeeyey ee ciidamada Ethiopia lagu la beegsaday gobolka Bay waxa ay sheegeen inay ku dileen 57 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia.
Sidoo kale Al Shabab ayaa todobaadkii hore sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi islamarkaana ay ku dhinteen 21 qof.

