Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Maxamed Lafta gareen ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Baay isagoo magacaabay Gudoomiye Cusub.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan iyadoo loo magacaabay Salaad Maxamed nuur Caliyow.


