Qaraxyo uu Ka Badbaaday Sarkaal Ka Tirsan Dowladda oo Ka Dhacay Siinka dheer

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo is xigxigay oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaaladda Muqdisho.

Qaraxyadda oo dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Kolonyo ka Tirsan Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaas marayay.

Qaraxa koowaad ayaa haleelay sida la sheegay gaari nuuca ciidanka Xambaara ah (BG) halka qaraxa labaad uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay lasocdeen ciidmo dowladda katirsan.

Kolonyadda la weeraray ayaa waxaa la socday sarkaal ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Foor Foor.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here