Jubba-land oo Sheegtay in La Fashiliyay Weerarkii Deegaanka Baarsanguuni+Sawirro

0

Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda Maamulka Jubba-land ayaa ka hadlay dagaal iyo qarax ay shabaab sheegeen in ay ku weerareen saakay xili hore Saldhiga Ciidamadda  Jubba-land Deegaanka Baarsanguuni  ee Duleedka magaaladda Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Taliska NISA ee Jubba-land ayaa lagu sheegay in Ciidamadda jubba-land ay fashileen gaarigii qaraxa la doonayay in lagu galo saldhiga iyo islamarkaana la jabiyay ragii weerarka soo qaaday.

“Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hor tagay oo fashiliyay gaarigan oo ay Al-Shabaab damacsanayeen in ay ku gooyaan wadada isku xirta Baarka iyo Wirkooy mudo kooban kadibna Ciidanka waa ay Qarxiyeen gaarigan. Al-Shabaab weerarkii ay soo qaadeen waxaa ay kala kulmeen jab iyo halaag”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubba-land.

Dhanka kale Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay Qarax ku galeen saldhiga islamarkaana ay la waregeen kadib dagaal dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here