Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.
Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag.
Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Al-shabaab.
Ku dhawaad 85 askari iyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kaladuwan oo Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen.
Magacyada Saraakiisha lagu dilay ayaa kala ah
Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo u qaabilsanaa Tababarada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Mauritania ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.
Dhanka kale Shabaab oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa Mareykanka ay burburiyeen guryo dad shacab ah ay daganayeen.

