Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka ciidamada Uganda ay ka qaataan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo sidoo kale ganacsatada dalkaas u ballanqaaday taageerada dowladda si ay maalgashi uga sameystaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 64-aad ee xornimada Uganda, taas oo Jimcihii lagu qabtay safaaradda dalkaas ee Muqdisho.
NewsinsideXasan Sheekh ayaa si gaar ah u ammaanay Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF), kuwaas oo Soomaaliya ka howlgallayay tan iyo bishii Maarso 2007, markii Uganda ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Uganda ayaa tan iyo xilligaas ka mid ahayd dalalka ugu badan ee ciidamadooda ka qeyb qaataan howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay booqashadii madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, uu Muqdisho ku tagay sanadkii 1992-kii, xilli magaalada ay ka jirtay amni darro baahsan, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid muujinaysay garab istaagga iyo midnimada labada shacab.
Dhanka dhaqaalaha, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay ballaariso xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee ay la leedahay Uganda, isagoo ganacsatada dalkaas u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dalka ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan danahooda ganacsi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ganacsatada Uganda ay heli doonaan taageerada ay uga baahan yihiin dowladda Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee dalka.
Ballanqaadka madaxweynaha ayaa imaanaya kaddib shir dib-u-eegis ah oo ay Muqdisho ku yeesheen guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo 21-kii iyo 22-kii Oktoobar looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

