Ciidamada ka soo horjeeda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay in meydadka dhowr dagaalyahan oo Soomaali ah, oo ay ku tilmaameen inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, laga dhex helay meydadka Xuutiyiinta lagu dilay dagaallo ka dhacay xeebaha galbeed ee dalka.
Warbaahinta militariga ee National Resistance Forces, oo qayb ka ah ciidamada taageera dowladda Yemen, ayaa sheegtay in aqoonsiga dagaalyahannada Soomaalida lagu xaqiijiyey dukumiintiyo iyo alaab laga helay meydadkooda.
Ciidamadu waxay arrintan ku tilmaameen tilmaan muujinaysa xiriir iyo iskaashi sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo kooxo hubeysan oo ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan Al-Shabaab.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxayeen xogno iyo warbixinno sheegaya in Xuutiyiintu ay xiriirro iyo shabakado tahriib iyo tababar ka sameysteen guud ahaan Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay Century International, Al-Shabaab ayaa tan iyo 2024 xiriir la sameysatay Xuutiyiinta, iyadoo la sheegay inay danaynaysay helitaanka hub lidka diyaaradaha ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada garabka laga rido.

