Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xasaanaddii uga xayuubiyay xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, kadib codsi uga yimid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Wakiillada, fadhi ay yeesheen mudanayaasha ayaa lagu ansixiyay ka xayuubinta maamuuska iyo xasaanadda Fahiima Quuje, iyadoo 56 mudane ay u codeeyeen go’aankaasi.
Goluhu wuxuu sheegay in Fahiima Quuje lagu soo eedeeyay dambiga qaran-dumisnmo, iyadoo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu hore u codsaday in laga qaado xasaanadda si loogu gudbiyo maxkamad awood u leh qaadista dacwadda.
Tallaabadan ayaa daba socota hadalladii ay Fahiima Quuje ku sheegtay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn, isla markaana ay dib ugu laabatay taageeridda qaddiyadda Somaliland. Waxa ay sidoo kale ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Golaha Wakiillada.

