Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 10 qof oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafinayeen wax ay ku tilmaameen “dhaqan xumo”, iyagoo ku dhawaaqay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah dadka ay ku eedeeysan falalkaas.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in eedeysanayaashan lagu soo qabtay baaritaanno ay sameeyeen waaxda dambi baarista (CID), kuwaas oo uu sheegay inay kaashadeen bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaan rabnaa inaan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno qeyb ka mid ah dadkii ay bulshada ka cabanaysay, kuwaas oo ay ku guuleysteen ciidamada CID inay gacanta ku soo dhigaan,” ayuu yiri afhayeenku.
Sida uu sheegay, ciidamada booliska ayaa bartilmaameedsanaya dadka uu ku eedeeyay inay baraha bulshada ku faafinayaan muuqaallo iyo waxyaabo ka hor imanaya dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in qaar ka mid ah eedeysanayaasha ay dhaawacmeen xilligii lagu daba jiray iyagoo isku dayayay inay baxsadaan.

