Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka waxa uu ku tilmaamay “Safaaradda Somaliland” ee laga furay magaalada Qudus ee la haysto, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci-darro ah isla markaana si cad u jebinaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada la xiriira.
Bayaan ka soo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in Israa’iil, oo ay ku tilmaantay awoodda gumeysiga ku haysa dhulkaas, aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn Qudusta la haysto, isla markaana dhammaan go’aannada iyo tallaabooyinka lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed, sharci ama tirakoob ee magaaladaasi ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Ururku wuxuu sidoo kale dib u xaqiijiyay garab istaaggiisa buuxa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo taageerada uu u hayo madax-bannaanideeda qaran iyo midnimada dhulkeeda.
OIC ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha caalamka inay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah tallaabadan ay ku tilmaantay sharci-darrada, isla markaana laga hortago.

