Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Amb. Suleiman Dedefo, ayaa si kulul u weeraray Ururka Jaamacadda Carabta, isaga oo ku eedeeyay in ay u adeegayso danaha Masar gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Itoobiya, gaar ahaan arrinta la xiriirta biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD).
Ambassador Dedefo oo qoraal adag ku baahiyay bartiisa X (horey loogu yiqiin Twitter) ayaa si weyn u su’aal iskaga weydiiyay doorka iyo ujeedka ururka Jaamacadda Carabta loo aas aasay, waxaaana uu tilmaamay in Shaqooyin ka badan midda dhaliisha Ethiopia ay u taalo.
“Ma Jaamacad Quruumo Carbeed baa mise waa Jaamacadda fulisa siyaasadda Itoobiya-diidka ah ee Masar?” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Waxa uu intaas ku daray in Jaamacadda Carabta ay iska indha-tirayso dhibaatooyinka ka jira dalal xubno ka ah, kuwaas oo la daalaa-dhaca dagaallo, barakac, iyo gaajo, halka ay si joogto ah diiradda u saarayso qorshaha Itoobiya ee isticmaalka biyaha.

