Dagaal ka qarxay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo

0

Dagaal culus ayaa ka qarxay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya, kaddib markii dowladda federaalku ay halkaas geysay Cabdiraashiid Janan oo dhowaan ay Dowladda u magacawday taliyaha cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) ee gobolkaas.

Cabdiraashiid Janan ayaa lagu geeyay maanta Degmadaasi diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, taasoo si weyn u kicisay xiisad horey uga jirtay magaalada, taasoo u dhaxaysay ciidamo federaal ah iyo kuwa taageersan Jubbaland.

Muuqaallo muujinaya imaanshaha Janan oo si weyn loo ilaalinayo iyadoo diyaarado qumaatiga u kaca la socdaan ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Wararka ka imaanaya gudaha magaalada waxay sheegayaan in wafdiga Janan uu la socday laga keenay Muqdisho, islamarkaana uu ku degay saldhigga ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku yaalla Balad-Xaawo, Magacaabistiisa muranka dhalisay ee ah inuu isla markaas noqdo Taliyaha Hawlgallada Xasilinta ee Gedo ayaa loo arkaa dadaal dowladda dhexe uga gol leedahay inay si buuxda ula wareegto ammaanka gobolkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here