Xoolaha Soomaaliyeed ma aha oo keliya hanti qof leeyahay oo la kala iibsado. Waxay yihiin dhiigga socda ee dhaqaalaha dalka, waxayna laf-dhabar u yihiin nolosha malaayiin Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada miyiga ku nool. Geela, lo’da, ariga iyo idaha waxay qoysaska u yihiin dammaanad nololeed, waa cunto, dhaqaale, kharashka waxbarashada carruurta, u-diyaar-garowga xaaladaha caafimaad iyo kaydka keliya ee qofku leeyahay marka ay abaar ama xaalad adag timaaddo.
Sidoo kale, xoolaha Soomaaliya waa isha ugu weyn ee lacagta adag dalku ka helo marka loo dhoofiyo dalalka dibadda, gaar ahaan waddamada Khaliijka. Sidaas darteed, caafimaadka xoolaha, tallaalkooda, karantiilkooda iyo tayadoodu ma aha arrin gooni u khuseysa xoolo-dhaqatada; waa arrin ammaan-dhaqaale (economic security) oo si toos ah ula xiriirta jiritaanka dalka.
Waxaa jirta xaqiiqo inta badan laga indho-saabto: Xooluhu waa isha koowaad ee awoodda dhaqaale ee hadba maamulka gacanta ku haya deegaanka. Halka ay dowladi joogto, dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xooluhu wuxuu noqdaa il canshuureed oo horumarisa adeegyada bulshada. Balse, halka ay koox hubeysan maamusho, isla dhaqaalahaas wuxuu isu beddelaa hub iyo awood lagu cabburiyo bulshada. Taasi waa sababta caafimaadka xoolaha iyo daryeelka miyiga aan loogu eegi karin muraayad caafimaad oo keliya. Waa siyaasad, waa amni, waa dowlad-dhis, waana loollan ku aaddan cidda kasbanaysa quluubta bulshada. Haddii uu dillaaco cudur faafa, ama abaar timaaddo, dhibku kuma eka hal tuulo; wuxuu wiiqaa awoodda guud ee bulshada iyo dhaqaalaha qaranka.
Mararka qaar, qofka magaalada jooga wuxuu moodaa in dhakhtarka xooluhu uu kaliya daweynayo ari qufacaya. Laakiin xaqiiqada dhabta ah ee miyiga ka jirta ayaa ah: arigaas qufacaya waxaa laga yaabaa inuu yahay gidaarka keliya ee qoyskaas ka celinaya in ay macluul u dhintaan ama dhallinyaradoodu ay xagjirnimo u gacan galaan.
Sidee Loo Horumarin Karaa Nolosha Xoolo-dhaqatada?
waxaan si joogto ah ugu soo bandhigi jiray warbixinnada aan siin jiray madaxda SOWELPA iyo wasaarada xanaanada xoolaha ee Jubbalan, falsafadda ugu muhiimsan ee horumarinta miyiga waa U-geynta Adeegga halkii laga sugi lahaa qofka. Waa in adeeggu gaaraa qofka halkii laga sugi lahaa inuu lugeeyo boqolaal kiiloomitir isagoo raadinaya rajo.
Waxaa loo baahan yahay tallaal joogto ah, daawo la heli karo, xarumo caafimaadka xoolaha oo guurguura (Mobile Vet Clinics), wacyigelin cudurrada ah, ceelal biyo nadiif ah leh, suuqyo ammaan ah, maareynta daaqa iyo waddooyin la mari karo. Laakiin intaas oo dhan waxaa ka sii muhiimsan: In adeegyadaasi ay noqdaan beddel nololeed oo soo jiita bulshada ku go’doonsan deegaannada adag in la gaaro tusaale ahaan dhulka ay alshabaab maamulaan.
Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxay halkan ka heli karaan fursad laba geesood ah:
- Faa’iido Dhaqaale: Xoolo caafimaad qaba waxay la macno yihiin soo-saarid badan, dhoofin xooggan, hanti-abuur gudaha ah iyo yareynta saboolnimada.
- Kasbashada Dowladnimada (State Legitimacy): Qofka xoolo-dhaqatada ah dowladnimadu ugama bilaabato khudbad siyaasadeed oo laga jeediyo Muqdisho ama Kismaayo. Qofka reer miyiga ah, dowladnimadu waa dhakhtar xoolaha ah oo u yimid markii neefkiisu bukay. Waa tallaal bilaash ah oo xoolihiisa cudur ka badbaadiyay. Waa ceel matoor leh oo shaqeynaya xilliga abaaraha. Waa waddo nabad ah oo uu xoolihiisa suuqa ku geeyo isagoo aan baqayn. Marka qofku adeeggaas helo, wuxuu dareemaa in dowladdiisu metesho. Tani waa dowladnimo la taaban karo oo ka itaal roon kumanaan qori oo la rido.
Deegaameyn Qorshaysan: Dhisidda Bulsho Adkaysi Leh
Waxaan aaminsanahay in adeegga xoolaha oo keliya uusan xal waara noqon karin, haddii dadka kasoo baxaya deegaannada ay kooxaha hubeysan maamulaan aysan helin meel ammaan ah oo ay nolol joogto ah ka dhistaan. Waxaa dalka ka maqan Deegaameyn Qorshaysan oo Ikhtiyaari ah. Tani macnaheedu ma aha in dadka xoog lagu raro, balse waa in la abuuro deegaanno soo jiidasho leh (Magnet Settlements) oo qofka kasoo baxaya culeyska u diyaariya baahiyihiisa aasaasiga ah: biyo, daaq la ilaaliyo, caafimaad xoolo iyo dadba, dugsiyo carruurta, suuq iyo amni uu isku halleyn karo.
Haddii qofku kasoo cararo canshuurta Al-Shabaab, laakiin uusan meel kale ka helin biyo iyo daaq xoolihiisa, maxaa u diidaya inuu dib ugu noqdo cadowga naftiisa iyo xoolihiisa u hanjabaya? Marka dowladda iyo hay’aduhu isku xiraan adeeg-bixinta iyo deegaameynta, waxay bulshada siinayaan madax-bannaani dhab ah. Tani waxay waddada u xaaraysaa in bulshadu isku tashato oo ay sameysato difaac maxalli ah, sababtoo ah hadda waxay haystaan nolol iyo deegaan ay mudan tahay inay difaacdaan.
Al-Shabaab iyo Istaraatiijiyadda Ku-tiirsanaanta (Dependency Strategy)
Al-Shabaab muddo dheer ayay saameyn xooggan ku lahayd deegaanno badan oo miyiga ah. Halkaasi, xooluhu ma aha oo kaliya hanti, ee waa cududda siyaasadeed iyo dhaqaale. Sida aan kasoo xigtay odayaal iyo xoolo-dhaqato aan si joogto ah ula kulmay oo kasoo lugeeyay deegaannada Kamsuuma, Jamaame, Baar Sanguuni, Birta Dheer, Kuba Kibir iyo furumaha u dhexeeya Kismaayo ilaa Jilib, kooxdu waxay bulshada ku haysaa nidaam baadi-goob dhaqaale oo hagar la’aan ah.
Sida ay ii sheegeen xoolo-dhaqatadii iyo odayaashii aan la hadlay, xoolo-dhaqatada waxaa laga qaadaa Zakawaat xad dhaaf ah, lacago joogto ah oo loogu yeero ‘Infaaq’, iyo boqolleyda iibka xoolaha. Balse xaqiiqada ka dambeysa lacag ururintan ayaa ka khatar badan aragtida fog: Waa Xakamaynta dadka (Population Control).
Marka laga eego dhanka siyaasadda, haddii xoolo-dhaqatudu aysan lahayn meel kale oo uu u iib-geeyo xoolihiisa, daawo uga helo, ama qoyskiisu degaan nabdoon ka helo, wuxuu si qasab ah ugu xirnaanayaa nidaamka argagixisada. Awoodda Al-Shabaab kuma dhisna kalgacal ay dadku u qabaan, waxay ku dhisantahay madax-bannaanida maqan ee bulshada. Marka xoolo-dhaqatada loo abuuro waddooyin, suuqyo xor ah, iyo marin caafimaad, siliskii ku-tiirsanaanta waa la goynayaa. Sidoo kale, markii xoolaha qoyska la badbaadiyo, waxaa la badbaadiyay dhallinyaradii raaci lahayd oo uu ka baaqanayaa inuu noqdo bartilmaameed Al-Shabaab xoog ugu qorato dagaalladeeda.
Markhaatiga Indhahayga: Waayo-aragnimo Shaqo iyo Rajo Cusub
Xogtan kama akhrin buug, igumana soo gaarin qoraal warbixineed; waa wax aan indhahayga ku arkay kana soo dhex shaqeeyay. Intii aan ku guda jiray ololaha caafimaadka xoolaha, shaqadaydu may ahayn kaliya irbad aan ku mudo neef bukay. Waa maalin iyo habeen aan la fadhiyay xoolo-dhaqato, dhegeysanayay sheekadooda, cabashadooda, xaaladda dhulkii ay kasoo yimaadeen iyo walwalka mustaqbalkooda.
Waxa aan indhahayga ku arkay dad cadceed kulul soo lugeeyay, kana soo safray Kamsuuma, Jamaame iyo Kuba Kibir, si ay u helaan adeeg caafimaad. Waxa ugu qiimaha badnaa ee i dhiiragelin jiray waxay ahayd markaan arko dad isu warramaya—qof baa qof u tilmaamaya, mid baa ehelkiis fariin u diraya in “halkan nololi ka jirto”. Rajo-soo-celintaas ka muuqata indhaha xoolo-dhaqatada marka xoolahoodu daawo helaan ayaa ahayd awoodda iigu weyn ee i ilowsiin jirtay kuleylka iyo daalka shaqada.
Balse, natiijada ugu weyn ee iga yaabisay waxay ahayd inaan si cad u arkay xoolo-dhaqato ka yimid deegaannada ay Al-Shabaab maamusho oo markii ay yimaadeen goobaha adeegga, qaar go’aansadeen inaysan dib ugu laaban. Qaar waxay codsadeen inay halkaas degaan, qaar ehelkoodii ayay u yeerteen, qaarna waxay bilaabeen inay nolol cusub ka yagleelaan.
Markaas ayaan garwaaqsaday in doorkeygu uusan ku koobnayn oo keliya dhakhtarnimada xoolaha iyo adeeg-bixinta. Waxaan noqday qayb ka mid ah in adeeg iyo dowladnimo ay gaaraan bulshooyin fog-fog, isla markaana daaweyn iyo tallaal loo gaarsiiyo xoolo-dhaqatada kasoo hayaamaysa deegaannada ay Al-Shabaab maamusho. Aniga ahaan, taas waxaan u arkay guul lagu gaaray adeeg iyo kalsooni, iyadoo aan xabbad la ridin.
Natiijada Dhabta ah iyo Odoroskeyga
Ujeedkeygii hore wuxuu ahaa inaan eego tirada xoolaha aan daweeyay, laakiin hadda waxaan eegaa saameynta adeeggu ku yeeshay go’aannada dadka. Neef xoolo ah oo la daweeyaa waa hanti la badbaadiyay, balse qoys reer miyi ah oo go’aansaday inuu kasoo guuro dhulka Al-Shabaab maamusho maadaama uu helay adeeg caafimaad xoolo iyo amni, waa awood iyo bulsho laga weeciyay gacanta kooxdan hubeysan, waana dhaqaale la xoojiyay dhanka dowladda. Marka ay qoysas badani sidaas sameeyaan, kooxda nabad-diidka ahi waxay waayeysaa:
- Canshuurtii,
- Dhallinyaradii ay askareyn jirtay, iyo
- Gabbaadkii bulshada.
Tani waxay noqon kartaa dhabar-jab weyn oo istaraatiiji ah oo ku yimaada Al-Shabaab.
Waa olole aan u adeegsanayn madaafiic, balse adeegsanaya daawo, biyo iyo u-naxariisasho bulsho.
Talo-soojeedin: Waa in Jubbaland iyo Dowladda Federaalku ka faa’iideystaan Fursadan
Haddii mashruuc kooban oo xoolo-daaweyn ah uu soo jiidan karo dad tiro badan iyo qoysas oo kasoo goostay deegaanada Al-Shabaab, maxaa dhici lahaa haddii Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay abuuraan “Aagagga Adeegga iyo Nabadda” (Service & Peace Corridors)?
Jubbaland waa in ay xuduudaha deegaanada laga xoreynayo ama horey looga xoreeyay salka u dhigtaa Xarumo isku-dhafan oo leh:
- Rugo caafimaad xoolo oo joogto ah iyo kuwo guurguura.
- Ceelal biyoodyo tayo leh.
- Suuqyo xoolaha lagula kala wareego.
- Rugo caafimaadka aadanaha iyo goobo waxbarasho.
Dowladda Federaalku waa in ay xaqiijisaa isku xirka deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo maalgelinta mashaariicdan. Tani waxay ka hortagaysaa in qofkii Kamsuuma ama jilib ama bu’ale kasoo baxay inuusan markale dib ugu laaban adeeg la’aan awgii.
Kaalinta Hay’adaha Maxalliga ah (NGOs) waa in la Xoojiyo
Halkii dowladda keliya looga fadhiyi lahaa in ay miyiga tagto—taas oo inta badan amniga iyo jid-gooyooyinka darteed adag—waa in la maalgeliyo lana awood-siiyo hay’adaha NGO-yada ah iyo ururada maxalliga ah ee ku takhasusay xoolaha. Hay’adahani waxay leeyihiin furfurnaansho, waxay dhex-galaan bulshada, afkooda ayay ku hadlaan, baahidoodana si dhakhso ah ayay uga jawaabaan. Haddii mashaariicdan lagu xiro qorshaha guud ee dowladda, guushu way laba-jibbaarmaysaa.
Khatarta Ku Gedaaman Adeeg-Bixiyaha iyo Baahida Qorshe Amni
Runta lama indho-tiri karo. Shaqaalaha hawshan u dhabar adeygayaa kuma dhex jiraan oo keliya daaweyn, shaqadoodu waxay si dadban u yarayn kartaa ku-tiirsanaanta bulshada ee deegaannada kooxda maamusho. Kooxda hubeysani adeeg-bixiyaha miyiga ma aragto inuu yahay qof samafale ah; waxay u arki kartaa qof faragelinaya nidaamkooda “canshuur-qaadasho” iyo madax-bannaanidooda dadka.
Sidaa darteed, qofka aqoonyahanka ah ama dhakhtarka ah ee aagaggaas tegaya waa in dowladda iyo hay’aduhu u sameeyaan tababar amni oo xeel-dheer, isgaarsiin joogto ah, xiriir dhow oo lala leeyahay ciidamada ammaanka iyo odayaasha deegaanka, iyo qorshe gurmad degdeg ah (evacuation plan). Shaqo nolol badbaadin ah laguma geli karo dhiiranaan indha-la’aan ah iyo erayga “Nasiib Wacan” oo keliya.
Gaba-gabo
Waayo-aragnimadaydu waxay igu qancisay in cirbadda dhakhtarka xooluhu ay mararka qaar ka awood badan tahay xabbadda qoriga. Waan arkay indhahayga in caafimaadka xooluhu yahay caafimaadka dhaqaalaha, dowladnimada, iyo nabadda.
Markaan arkay dadka aan daweynayay oo ka baaqsanaya dib-u-laabashada deegaannadii ay ka soo carareen, waxaan ogaaday in shaqadayadu ka weyn tahay dhakhtarnimo; waxay ahayd waddo lagu xoreynayo dadka lagana jabinayo silsiladda ku-tiirsanaanta cadowga. Haddii dalkeennu dhab ahaan rabo inuu xididada u siibo awoodda Al-Shabaab, waa in isha lagu hayaa in qori caaradii keliya aan dad lagu hanan karin. Waa in la beddelo fariinta. Halkii aan ku dhihi lahayn bulshada “Kasoo baxa cadowga,” waa inaan ku niraahnaa: Halkan inoogu yimaada, waxaad heleysaan biyo, daawo xoolo, xarumo waxbarasho, suuq nabdoon, iyo dowlad idiin shaqaynaysa.
Markaas unbay dhab noqoneysaa macnaha dhabta ah ee dowladnimada, markaas ayaana xoolaha Soomaaliyeed isu beddelayaan furaha nabadda iyo horumarka waara. Waa halka ay adeeg-bixintu si dhab ah isugu beddesho Istaraatiijiyadda ugu awoodda badan ee lagu yareyn karo saameynta argagixisada.
Author: Mansur Siad

