Shirka Golaha Watashiga Qaran Oo Markii 5-aad Ka Qabsoomay Muqdisho

0

Shirka Madaxda Golaha wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay markale ka qabsoomay magaaladda Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya dhammaan Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble oo caawa loo ballansanaa in la sii ambaqaado ayaa ka socda hotelka Decale halkaas oo ay xaadir kuwada yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Waxii horumar ah ee ka soo kordha shirka inshallah waan idinla socodsiin.doonnaa.” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

shirkaan ayaa wali waxa ka taagan isfahamwaa qodobada qaar,waxaana la filayaa in gabgabada laga soo saaro warmurtiyeed ku qodtoma arimaha doorashooyinka

warar hoose oo ay simba heshay ayaa sheegaya in wali shirka aan laisla mildhigin qodonkii ugu adkaa ee amniga guud iyo cida sida rasmiga ah u qaadanaysa masuuliyadeeda

markale waxa la rajeynayaa in shiku uu maanta galo maalintii 6-aad iyadoo cabsi laga qabo in lagu kala kaco.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here