Beesha Caalamka Oo Soo dhaweysay Shirkii Uu Madaxweyne Farmaajo Iskugu Yeeray Dowlad Goboleedyada

0

iyadoo madaxweynaha jamhuuruyada faderaal  soomaaliya mudane maxamed cabdulahi farmaajo uu ku baaqay in ay shir  iskugu yimaadan madaxada maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir ayaa waxa warkaasi soo dhaweyay beesha caalamka

war qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa waxa lagu sheegay in ay dhiirigalinayaan in hogaanka soomaaliyeed ay iskugu yimaadaan shir ay uga heshiijnayaan arimaha doorashooyinka

waxaana ay ku baaqeen in isu tanaasul ay isku sameeyaan si dalka ay uga dhacdo doorasho wada ogol ah oo heshiis lagu yahay

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember.

beesha caalamka oo soomaaliya saaxiib dhaw la ah ayaa waxa ay nudooyinkii dambe ay dadaalo dhwr ah ku bixinaysay sidii doorasho heshiis lagu yahay ay dalka uga dhicilaheyd

waxaana xusid mudan in xubno ka tirsan beesha caalamku ay kulan xasaasi ah la qaateen madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya islamrkaasna ay bkawada hadleen arimo kusaansan khilaafka doorashooyinka dalka iyo sidii loo xalin  lahaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here