maamulka jubbland ayaa waxa uu si aad ah usoo dhaweyay shirka ay iskugu imaanayaan magaalada dhuusamareeb madaxda dowladda faderaalka ,dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir ,shirkaasi oo uu xalay ku baaqay madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo
wasiirka warfaafinta maamulka jubbaland cabdi xuseen maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in shirkaan uu ahaa mid mar hore loobaahnaa in laiskugu yimaado islamarkaana jubbaland ay diyaar u tahay ka qeyb galka shirkaasi
wasiirka oo sii hadlayay ayaa waxa uu tilmamay in shirkaan ay horay ugu baaqeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada jubbaland iyo puntland hadii haatan uu madaxweyne farmaajo ku dhawaaqayna ay tahay arin aad u wanaagsan
sidookale wasiirka warfaafinta jubbaland ayaa waxa uu ka hadlayay waxyaabaha shirkan diirada lagu sarayo waxaana uu sheegay in lagu lafa gurayo arimaha doorashooyinka dalka gaar ahaana tuxaan bixinta heshiiskii 17 september ay wada gaareen madaxda dowladda faderaalka ah iyo dowladda xubnaha ka ah
shirkaan uu ku baaqay madaxweyanaha soomaaliya ayaa waxa uu dhacaya 1 ilaa iyo 3 bisha soo socota ee bari dhalaneysa
waxaana la filayaa in shirkaasi ay kasoo baxaan arimo muhiim ah oo doorashada dalka ka dhaceysa xal u ah islamarkaasna go,aamin doonta doorashada dalka

