Xildhibaanada Kasoo Jeeda Somaliland oo Eedeeyay Dowladda+Dhageyso

0

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kanasoo jeeda somaliland ayaa dowladda soomaaliya ku eedeeyay inay cunaqabataysay somaliland.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay muqdisho ayaa waxay soo hadal qaadeen markab ay saarnaayeen 8000 (sedeed kun) oo neef oo Ari ah, kaas oo ku xayirnaa dekadda magaaladda jidah ee dalka sacuudiga.

Warar soo baxaya ayaa sheegayaya in markabkaas uu u xayirnaa in markabkaas xoolaha saaran aysan wadan ruqsada dowlada somaliya.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin hadalka masuuliyiinta dowlada somaliya ee ku aadana inuu madaxwayne Farmaajo uu fududeeyay siidaynta markabkaas xoolaha siday.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa sidoo kale ka hadlay guddiga uu madaxwayne farmaajo u magacaabay dhxdhexaadinta soomaliya iyo somaliland, waxayna sheegeen inaa lagala tashan gudigas, waxna uusan ka qaban karin xiriirka somliland iyo somaliya.

Khamiistii ra’iisalwasaare ku-xigeenka Xukuumadda somaliya mahdi maxamed guuleed ayaa wariyaasha u sheegay in dowladda somaliya ay ku guulaysatay siidaynta markabkaas xoolaha siday.

Wasaarada Arimaha dibada  somaliya ayaa dhawaan kulan ay muqdisho kula yeelatay safiirada dalalka caalamka u jooga somaliya in wax walba oo ay uga baahanyihii somaliland ay usoo maraan dowlada dhexe ee somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here