Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saakay ka dhacay Magaaladda Muqdsiho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan oo dhulka ku aasnaaa ayaa ka dhacay laamiga Warshadaha gaar ahaan dhabarka Dambe ee xerada Damaanyo.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa lala eegtay gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Hilux ama qooqan oo xiligaasi laamiga marayay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay labo ruux oo saarnaa Mooto bajaaj,waxaana goobta Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Muqdisho.

