Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam “Axmed Madobe” ayaa wajahaya cadaadis iyo dhaleeceyn fara badan oo kaga imaanayo musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradsan hab maamulka.
Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas oo ah afhayeenkii hore ee ciidamada xooga dalka ee Jubbooyinka ayaa si kulul ugu hadlay mar uu wareysi siinayey Radio Simba dhaqdhaqaaqyada iyo ficilada uu Axmed Madoobe kawado deegaanadda Jubba-land xilli uu sii dhawaanayo waqtiga loo asteeyey doorashada xilka madaxtinimo ee Jubaland.
Korneylka ayaa sheegay in hore magaalada Kismaayo looga soo celiyey sarkaakiil ay dirtay wasaaradda gaashaandhigga Somalia loona diiday inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.
Korneylka ayaa caburiska lagu haayo ciidamadaas ku eedeeyey xubno uu magacaabay oo uu sheegay inay qaraabo la yihiin Axmed Madobe.
Dhanka kale Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas ayaa madaxda dowladd gobeedka Jubaland ku eedeeyey naceyb ka dhan ah calanka Somalia isagoo sheegay in calanka Somalia dartiis loo dilay dad muwaadiniin ah islamarkaana calanka Somalia lagu gubay magaalada Kismaayo seddex jeer.
Korneylka ayaa taa beddelkeed xusay in calanka Kenya uu si nabad gelyo ah kaga babado magaalada waxa uuna taas ku micneeyey in deegaanada Jubaland looga arrimiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aanan laga maamulin magaalada Kismaayo oo si ku meel gaar ah magaalo madax ugu Jubaland.
Mar uu ka hadlayey dowrka ay dowladda federalka ah ku leedahay Jubaland ayuu sheegay korneylku in dowladda looga baahan yahay inay deegaanada Jubaland ka xoreyso Axmed Madobe iyo raga ku heybta ah.
Isagoo hadalkiisa wata ayuu sheegay in shacabku uu markii hore ku kalsoona dowladda Farmaajo balse hadda ay muuqato daldaloolo badan oo muujinayo in deegaanada Jubaland waxa ka socdo aysan waxba ka qaban Karin.
Doorashada Jubaland oo ay ku tartamayaam musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam “Axmed Madobe” oo maanta is diiwan geliyey ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo aadan ee August.

