Faah-faahin:-Askari Ka Tirsan Dowladda oo Dilay Laba Wiil oo Walaalo ahaa!

0

Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo wiil oo walaalo ahaa oo saarnaa Mooto Bajaaj waxa uu ku dilay deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Deegaankaas galinkii dambe ee shalay sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Askari dilka geystay ayaa saarnaa Mooto Bajaaj,waxaana la sheegay in uu rasaas ku furey dadkii gaadiidka watay ee wadadaasi marayay.

Rasaasta uu furey ayaa haleeshay laba wiil oo walaalo ahaa, kuwaa oo xilligaa saarnaa mooto bajaaj, iyagoona u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastaasi.

Askariga geystay falka dilka ayaa ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana goobta gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here