Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladdda Dhuusa-mareeb+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Qaraxa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa,wuxuuna isku qarxiyay maqaayadd ku dhow xarunta Enji ee ku taala Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaa ku dhintay qofkii isa soo miidaamiyay,waxaa jira dhaawac soo gaaray gabar ku sugneyd maqaayadda uu qaraxa ka dhacay.

Dhanka kale Agasimaha Warfafinta madaxa xukumada galmudug Ibrahim Hashi Osoble Jeekey ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ninkii isa soo miidaamiyay,halka dhaawac fudud uu soo gaaray gabar ku sugneyd maqaayadd.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here