DFS oo Lagu Taageeray Faragalinta Doorashadda Jubbaland+Dhageyso

0

Magaalada kismaayo ee xarunta KMG jubba-land waxaa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga doorashada  Maamulkaas, iyadoo taasi ay jirto hadana waxaa maalmahaan dambe si weyn baraha bulshada u qabsaday khilaaf soo kala dhex galay madaxda jubbaland iyo dowlada soomaaliya kadib markii dowlada soomaaliya ay war saxaafadeed ka soo saartay habraac  doorashadda.

Shir ay kismaayo ku yeesheen qaar ka mid ah wa garadka kasoo jeeda jubba-land ayay uga soo horjeysteen fara gelinta dowlada soomaaliya iyagoo taageero xoogan u muujiyey madaxweyne Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).

Dhanka kale Nabadoon Idiris Gaarogi oo kamid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaano Gedo ayaa idaacada Simba u sheegay in dowladda soomaliya ay ku saxan tahay faragelinta doorashadda jubba-land maadaama ay tahay hooyada dalka, waxa uu uga digay dadka aan garanaynin doorka ay kala leeyihiin maamulka jubaland iyo DFS in ay ka fiirsadaan hadalada meel ku dhac ku ah dowladda iskuna diraya shacabka walaalaha ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here