Dalxa;-“Shaabab Waxa ay Ka Faaideystaan Kala Qeybsanaanta Shacabka”,+Dhageyso

0
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa

Weerarada Al shabaab ee ka dhanka ah hoteel-da ay dagan yihiin siyaasiyiinta iyo xubnaha ka tirsan dowladda Somalia oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho ayaa hadda markii ugu horeysay waxa ay ka dhaceen magaalada Kismaayo.

Weerarkan oo dhaliyey khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayuu maamulka Jubaland sheegay inuu soo afjaray dhowr iyo toban saacadood kadib islamarkaana ay nolosha ku qabteen tiro kamid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Professor Maxamed Cumar dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Somalia oo la hadlay idaacadda Simba weerarka kadib ayaa cambaareeyey kana tacsiyeeyey wax yeeladii weerarkaas, waxa uuna si kulul uga hadlay weerarada nuucan oo kale ee ka dhaca koofurta Somalia.

Xildhiban dalxa ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Somalia si loo soo afjaro loo baahan yahay in muujiyo isku duubni wadaniyad iyo dowlad jaceyl waxa uuna shacabka ugu baaqay inay u istaagan kahor tagga dhibaatada Somalia.

Waxa uu culamada ugu baaqay inay ka hortagaan marin habaabinta iyo tashkiilinta lagu niyad gedinayo dadka aan aqoonta badan laheen ee u baahan in wax badan la fahansiiyo si ay culimada uga soo baxaan doorkooda.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in fikirka lagu la dagaalamayo dowladda Somalia uu ka jiro waddamo oo caalamka ah gaar ahaan dalalka Islaamka, waxa uuna tilmaamay in dowladda Somalia ay dagaalami doonto inta tabarteeda ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here