Kooxo hubeysnaa ayaa xalay dalka Koonfur afrika waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida dalkaas ku ganacsata.
Dilkaan ayaa ka dhacay deegaanka Naas ee Gobolka Mpumalanga ee dalka koonfur Afrika.
Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xuseen Cali Saqiir,waxaana lagu dilay goob ganacsi uu dhawaan ka shaqo bilaabay.
Mid kamid ah Ganacsatadda Soomaalida ee dalkaas ku nool oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in marxuum Saqiir uu muddo 9-bilood ah uu ku noolaa koonfur afrika,islamarkaan dhawaan uu ka tagay Magaaladda Jowhar ee caasimadda Hir-shabeelle.

