Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in uu geeriyooday xalay taliyihii Ciidamadda Booliska Magaaladaas, oo shalay ku dhaawacmay Qarax gaarigiisa loogu xiray.
Taliyihii saldhiga booliska magaaladda Gaalkacyo cawil nuur ibraahim (Cawil Tubaako), ayaa qarax loogu xiray Gaari Noha uu watay oo marayay bartamaha Magaaladda gaalkacyo,waxaana xiligaas soo gaaray dhaawac culus.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Gobolka Mudug ee Mamulka Galmudug Maxamuud cilmi gulaafe oo goordhaweyd la hadlay idaacada samba ayaa xaqiijiyay geeridda Taliyaha,wuxuuna tacsi u direy Eheladiisa.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Taliyihii saldhiga booliska magaaladda Gaalkacyo cawil nuur ibraahim (Cawil Tubaako).

