Mareykanka oo Dib u Bilaabayo Taageeradii uu Siin Jirey Cutubyo Ka Tirsan ciidamadda Dowladda

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u bilaabeyso qeyb ahaan taageeradii ay siin jirtay cutubyo ka tirsan ciidamadda qaranka Somalia.

Dib usoo celinta taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamadda Somalia ayaa laga hir geli doonaa gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo ay arrintaani qeyb ka tahay qorshaha kala guurka.

Dowladda Somalia ayaa dib u habeen iyo kormeer joogto ah ku sameysay ciidamadeed, waxa uuna Mareykanku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo SNA ay dadaal xooggan ugu jiraan inay kor u qaadaan ku xisaabtanka khayraadka deeqda ah.

Mareykanka ayaa joojiyey taageeradii uu siin jiray cutubyo ka tirsan ciidamada Somalia bishii December sanadkii 2017, xilligaas Mareykanku waxa uu sheegay in uu jiro musuq iyo wax isdaba marin lagu sameeyo dheeqaha uu siiyo ciidamadda Somalia.

Mareykanka ayaa sheegay inuu kalsoolni ku qabo in dowladda Somalia iyo ciidamadeedaba ay sii joogteyn karaan isla xisaabtanka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqa.

Dhanka kale Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dib u bilaabidda taageeradii Dowladda Mareykanku ay siin jirtay qeybo kamid ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay muujinayso sida ay mira dhal u noqotay dib u habeyntii ciidamada lagu sameeyay iyo diiwaan gelintii lagu xaqiijiyay tirada iyo tayada CXDS.

Taageerada Maraykanka waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa dib u dhiska ciidanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ciidamada waxay abuurtay in lagu kalsoonaado nidaamka ay Dowladda Federaalka u dajisay in lagu maamulo dhaqaalaha ciidamada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here