Sacuudiga oo Dhambaal Hambalyo ah Usoo Direy Madaxweyne Farmaajo

0

Boqorka dalka Saudi Arabia boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud iyo wiilkiisa Mohamed bin Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ah dhaxal sugaha, ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka gaashaandhigga dalka Saudi Arabia ayaa warqad hambalyo ah usoo diray madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mas’uuliyiintan oo ah kuwa ugu sareeyo boqortooyada Saudi Arabia ayaa madaxweynaha iyo shacbiga Soomaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 1-da Luulyo oo ah markii gobolada koofureed ee Somalia ay ka xoroobeen gumeystihii Italy, israacii gobolada Waqooyi iyo koofur ee Somalia iyo ku dhawaaqista magaca Jamhuuriyadda Somalia.

Boqorka Saudi Arabia iyo dhaxal sugaha dalka Saudi-ga ayaa madaxweynaha Somalia u rajeeyey caafimaad wanaagsan iyo farxad, sidoo kalena dowladda iyo shacabka Soomaliyeed waxa ay u rajeeyeen horumar iyo barwaaqo.

–SPA

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here