Shir ay maanta ku yeesheen Magaaladda Cadaado, odayaasha dhaqanka magaaladdaas ayay kaga dhawaaqeen inay kasoo horjeedaan warkii kasoo yeeray xalay Ra’iisul wasaare Kheyre ee saabsanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay ka dhici doonaan Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Odoyaasha waxa ay sheegeen inuu Ra’iisal wasaare Kheyre ku ballan-furay markii uu iskiis u go’aansaday inuu dhammaan awoodihii maamulka Galmudug u rarro magaaladda Dhuusamareeb.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in go’aanka Raisulwaasaaraha uu meesha ka saarayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
Go’aanka odoyaasha Magaaladda Cadaado ee Galmudug ayaa kusoo aadaya xili xalay Raisulwasaare Kheyre sheegay in magaalada Dhuusamareeb ay taallo gogosha dibu heshiisiinta Galmudug iyo Doorashadda.

