Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa Dikreetooyin ku magacaabay taliyayaal iyo Gudoomiyayaal Degmooyin.
Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland u magacaabay, S/Gaas yaasiin Cumar Dheere, halka uu taliye xigeenka labaad ee Daraawiishta u magacaabay, S/guuto Axmed Cali Salaad.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Karkaar u magacaabay, Siciid Maxamed Faahiye, halka uu guddoomiye ku xigeenka gobolka u magacaabay, Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir, isagoo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Karkaarna u magacaabay, G/dhexe Cabdulqaadir jaamac Dirir.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kooxda Hooballada waaberi Puntland u magacaabay, Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube, halka Cabdicasiis Cilmi Yuusuf uu u magacaabay, la-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta madaxtooyada Puntland.

